Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka degaanka ee Macawisleyda ayaa Gobolka Hiiraan kusoo bandhigay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo lagu qabtay howgal Ciidamadu ka sameeyeey qaybo ka mid ah Gobolkaasi Hiiraan.
Howlgalka ayaa si gaar a uga dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana saraakiisha Ciidanka ay baahiyeen xogta dagaalaamhaasi oo ay sheegeen inuu u dhacay dalka Itoobiya gaar ahaan Qowmiyadda Oromada.
Ciidanka oo baahiyay Sawirka iyo muuqaalka dagaalamahaasi gacanta lagu dhigay ayaa waxaa ka muuqda Tattoo korkiisa ku xardhan.
Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay degaanada Gobolka Hiraan waxaa ay ka wadeen Howgallo ka dhan ah dagaalamayaasha AL-Shabaab.