Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dagaal ku dhishay In ka badan 50 dagaalame oo AS ah, kadib howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howgalkaasi kaasi uu ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.
Dowladdu waxaa ay sheegtay in dagaalka ay ku dishay xubno isugu jira xubno sare iyo dagaalamayaal, Â waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta AS isku uruursanayay halkaasi.
Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo xubno kale oo ka tirsan AS, kuwaasi oo ka ag-dhaw degaanada Ciidanka Dowladda ay gacanta ku dhigeen.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DOWLADDA