Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfahiga 5aad ee Baarlamanka 11aad ee Dalka.
Madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyey in ayna Ethopia u isu hayn ,in heshiis la isla ogol yahay wada galaan,balse waxa uu eeda dusha u saarey dowlada Ethopia.
Geesta kale waxa uu ka jawaabey hadal uu jeediyey Abey Ahmed Ali oo uu ku sheegay in Soomaaliya diidey codsi ay u direen†“Itooobiya iyadaa aduunyada waregeysa oo leh Soomaaliya hanala heshiisiiyo,xaalkeedana waa Hasha ayadaa cuneysa oo cabaadeysaâ€.
Madaxweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Ethopia ay jabisey daris wanaagii u dhexeeyey labadda dal.waxa kale oo carabka u dhuftey shirkii ka dhacay dalka Turkiga oo uu sheegay in Ethopia ay codsatey shirkaas.Waxa-se uu qirey in Ethopia ay wali mawqifkeedii ku  taagan tahay,halka uu sheegay in dawlada Soomaaliya diyaar u tahay wadahadal.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u direy Soomaaliland oo u u soo jeediyey in ay ka laabtaan,heshiiska xaaranta ah ee ay la galeen dawlada Ethopia