Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka.
Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.
“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,†ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, islamarkaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.
Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta barri ah,waxaana ka bilaabmaaya dodo xaas-xaasiya