Wararka kala duwan ee ka imaanayaa Bakool ayaa sheegaaya,in ciidamadda xoogga dalka la wareegeen deegaano hor leh,waxaaana dagaalamayasha Al Shabaab laga qabsadey deegaano cusub.
Howlgalka oo uu Hogaaminayey Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa intii uu socday waxaa barbar socday duqeymo dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la hayn, kaas oo lala beegsaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay Goobo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, isla markaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay.
Taliyaha ma sheegin tirada Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee howlgalka lagu dilay, hayeeshee howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa howlgallada joogtada ah oo ay fuliyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah.
Si kastaba bilihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamada degaanka ee loo yaqaamo Macawiisleyda ayaa waxaa ay sameeynayeen howlgallo kala duwan wallow aysan jirin degaano iyo degmooyin lagula wareegay.