Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah AS ee deegaannada Jubbaland.
Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Howgalka lagula wareegay degaankaasi ayaa ahaa mid qorsheysay, waxaana Ciidanka Daraawiishta iyo Nabadsugidda ee  Jubbaland iyo Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab si buuxda u qabsadeen degaankaasi.
“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya AS deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaanâ€.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso AS gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga saaray AS.