Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Millateriga Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeeray diyaarado cusub oo ay Somaliland soo iibsatay,diyaaradahan Soomaaliland soo iibsatey ayaa siyaabo kala duwan loogu wadaagey baraha bulshadda balse, qoraal ay baahisay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in diyaaradahan lagu tababari doono duuliyayaal ay Somaliland yeelan doonto, kuwaasi oo uu tababari doono Dugsiga Tababarka Duuliyenimada ee Somaliland.
“Madaxweynaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalku wuxuu intaa ku daray in xukuumadu ay soo kiraysatay tababarayaal duuliye oo caalami ah kuwaasi oo muddo 2 sanno ah kusoo saari doona duuliyayaal xirfadleh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Hargaysa.