Shirka golaha wadatashiga qaran ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Villa Somalia ayaa lasoo gaba-gabeeyay.
Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo u guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.
Shirkan ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin sugidda amniga iyo la-dagaalanka Al Shabaab dhameystirka iyo dib u eegiska Dastuurka iyo arrimaha Dastuurka iyo arrimo kale.