Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu maanta magaaladaasi ku fataho Webiga Shabeelle ee dhexmara, kadib markii webiga uu biyo farabadan keenay saacadihii lasoo dhaafay.
Daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo meelo kale ayaa kusoo rogmaday Webiga Shabeelle, kuwaasi oo sababay in Webiga uu keeno biyo aad u tiro badan, isla markaana cabsi xooggan laga qabo fatahaada.
Qaar kamid ah dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in heerkii ugu sareeyay ay gaartay cabsida, waxaana dadka kunool magaaladaasi qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan oo aay aadaan deegaano ku dhow magaaladaasi.
Dhawaan ayay aheyd markii ha’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay shaacisay in magaalooyin ay ka mid tahay Baladweyne laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga Shabeelle, ayna fartay hay’addu dadka iney ka fogaadaan hareeraha wabiga.