Taliyihii ciidamada milateriga ee dalka Kenya iyo sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay shalay oo khamiistii aheyd, Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah.
Diyaaradda shilka gashay ayaa waxaa saar General Francis Ogolla naa 11 qof oo uu kamid ahaa Taliyihii ciidamada milateriga ee dalka Kenya, waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa xaqiijiyay dhimashada Taliye General Francis Ogolla. “Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa” ayuu yiri Ruto.
Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowlada iyo Shacbka dalka Kenya kaga tacsiyadeysay geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay uga tacsiyeenayso, Wasaaradda Gaashaandhigga, ciidanka difaaca, dowladda iyo shacabka dalkaas geerida ku timid Taliyaha Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya.