Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa  dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho, waxaana marti qaad loo diray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April.
Shirka Golaha Wadashiga Qaran ayaa sida ku Cad waqradda waxaa looga arrin san doonaa Qodobo dhowr ah oo Muhiim ah, ayna uhu horreeyaan Ammaanka iyo dhammaystirka Dastuurka.
Shirkan ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland kala laabatay dowladda Federaalka aqoonsiga, kuna dhawaaqday in Maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.
Lama oga sida Puntland ay kaga falcelin doonto Martiqaadka loo diray, iyadoo la og yahay halka uu marayo xiriirka marba marka kadambeyda sii xumaanaya ee Puntland iyo Villa Somalia.