Burcad-baddeed Soomaali ah oo afduub u haysatay 23 Badmaaxiin la socotay Markabkaasi ayaa la sheegay inay sii daayeen Waaberigii hore ee maanta oo Axad ah.
Shirkadda KSRM Group of Bangladesh oo leh Markabkaasi ayaa ku dhawaaqay in la sii daayey Badmaaxiinta iyo Markabka MV Abdullah oo afduub ahaan loogu haystay Xeebaha W/Bari ee Somalia.
Ku-Xigeenka Agaasimaha Maareynta ee Shirkadda KSRM Group, Shahriar Jahan Rahat ayaa xaqiijiyey in Shaqaalaha iyo Markabka MV Abdullah in la sii daayo, kadib, markii lagu guuleystay Wada-xaajood lala galay Burcad-baddeedii afduubka u haystay Shaqaalaha iyo Markabkaasi.
Docda kale, Wasiiru-Dowlaha Hawlaha Maraakiibta ee dalka Bangladesh, Khalid Mohamoud Chowdhury oo saakayto oo Axad ah saxaafadda kula hadlay Hoygiisa ku yaalla dhabaha Minto Road ee Caasimada dalkaasi ee Dhaka ayaa xaqiijiyey in Markabka Xamuulka ee MV Abdullah iyo 23-kii Badmaax ee la socday la sii daayey, kadib, markii Burcad-baddeed Soomaalida lala galay Wada-xaajood lana saaray Cadaadis Caalami ah.
Wasiiru-Dowlaha waxa uu intaasi ku daray inuusan haynin Xog ku aadan in Burcad-baddeeda la siiyey Lacago Madax Furasho ah si ay u sii daayaan Markabka iyo Badmaaxiinta u Afduubnaa muddo 32 maalmood.
Waxa uu xusay in dadaalka lagu sii daayey Badmaaxiinta iyo Markabka MV Abdullah ay gacan ka geysteen Ururo Caalami, Ciiddanka Badda Midowga Europe, kuwa Hindiya iyo Boliska Soomaaliyeed.
Waxa uu si gaar ah ugu mahad crliyey Ciiddanka Boliska ee Maamul-Gobaleedka Puntland oo uu xusay inay kala shaqeeyeen sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiinta iyo Markabka MV Abdullah.
Markabkaasi waxaa bishii la soo dhaafay ee March 12-dii laga qafaashay meel 600 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta Indian Ocean, xilli uu Markabku Shixnad Dhuxul ah u waday Dekedda Al Hamriyah Port ee dalka Imaaraadka Carabta.
Si kastaba, Haatan waxa uu Markabkaasi u shiraacday Dekedda Al Hamriyah Port ee dalka Imaaraadka Carabta si uu ugu dejiyo Rarka Shixnada dhuxusha ee uu ka soo qaaday Deked ku taalla Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo.