Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Hilwaa, Kabtan Police ka tirsan & Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.
Waana Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye & Qoone.
Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.
Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.
Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.