Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.
Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid.
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed .
Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday.