Jugta qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Madaxtooyada, qaraxa ayaa waxa uu yahay mid  is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa.
Warar hordhaca ayaa sheegaya in qaraxa gaariga ah lagu dhuftay albaabka hore ee Hotelka SYL, waxaana qaraxa kadib gudaha u galay hotelka rag hubeysan oo halkaasi ka dhex dagaalamaya.
Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan is-miidaaminta ah ee caawa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray.
La soco wixii kusoo kordha