Dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa arroornimadii hore ee Maanta oo khamiis ah ka dhacay deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii dagaalyahano kamid ah Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Xinlabi, halkaasina uu ku dhacay dagaal saacado qaatay, oo la isku adeegsaday inta uu socday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay isaga baxeen Xinlabi, isla markaana waxaa durbadii deegaanka isku fidiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi.
Khasaaro ayaa lasoo warinayaa inuu dagaalka geystay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, Xinlabi ayaa la xoreeyay lix bilood kahor, iyadoona xilligaas ciidanka dowladda ay dagaal laΓ’β¬β’aan la wareegeen.
Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa macwiisleyda ay isaga soo baxeen magaalooyinka Caad, Camaara iyo Baacaadwayn oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo aysan wax dagaal ah oo ka dhacay marka laga reebo deegaanka Caad.