Ilo-wareedyo ka tirsan Shirkadda SR Shipping ee leh Markabkii Xamuulka ee MV Abdullah ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu soo badbaadinayo Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi, isla markaana ay la xiriireen Diblomaasiyiin iyo Isbahaysiyo ay Maraakiib Dagaal ka joogaan Xeebaha dalka Somalia.
Burcad-baddeed Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay Labaatameeyo ayaa waxay afduubka Markabkaasi u adeegsadeen Labo Dooni oo mid ka mid ahayd Dooni Kalluumeysi laga lahaa dalka Iran oo ay labo bilood ka hor qafaasheen.
23 Badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa la soo weriyey inay la socdaan Markabka Xamuulka ee MV Abdullah, kaasi oo shalay oo Talaado ahayd laga qafaashay meel 600 nautical miles ka baxsan Xeebaha magaalladda Muqdisho.
Markabkaasi oo 55,000 oo Tan oo Dhuxul ah ka soo qaaday Dekedda ku taalla Caasimada dalka Mozambique ee Maputo ayaa waxa uu ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Imaaraadka Carabta.
Mohamed Maksud Alam oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Maraakiibta ee Shirkadda SR Shipping ee leh markabka la qafaashay ayaa sheegay inay socdaan Xiriiro, si loo xaqiijiyo Ammaanka Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi iyo inah si Nabad ah u soo laabtaan.