Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.
Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.
“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso.â€
Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha ayaa bogaadiyay masuuliyiinta ka kala socotay UNOCHA iyo WFP kuwaas oo Jowhar u tagay shirka labada dhinac.