Wasaaradda lacagta ee Maraykanka, xafiiskeeda Maamulka Hantida Dibedda ayaa ku dhowaaqay in cunaqabatayn lagu soo rogay 16 shirkadood iyo ashkhaas ka hawlgala shabakado ganacsi oo ku fidsan Geeska Africa, dalka Isutaga Imaaraat-ka Carabta iyo jasiiradda Qubrus, kuwaasi oo dawladda Marayanku ku eedaynayso inay lacago u ururiyeen, una kala gudbiyaan ururka Al-Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaaciida.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Lacagta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ku jiraan ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in tallaabada laga qaaday dadkan iyo shirkadahani loo cuskaday xeerka qaabilsan kooxaha argagixisada iyo kuwa wax u fududeeyaba, iyadoo sidoo kale lagu xusay magacyada shirkadaha iyo waliba dadka cunoqabatayntan lagu soo rogay.
Marayanku waxa uu sheegay in shirkadaha uu bartilmaameedsaday ay ku jirto mid fadhigeedu yahay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta oo lacagaha gudbintooda u fududaysa al-Shabaab.
Marayanka ayaa sheegay in tallaabadan Wasaaradda Lacagtu qaadday darteed in dhammaan hantida iyo danaha ay leeyihiin shirkadaha iyo shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday oo la magacaabay ay ku leeyihiin Marayakanka ama ku jirta gacanta dad Marayakn ah la xayiri doono.