Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo jimco ah, ayna ku beegan tahay 8-da bisha Maarso haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Haweenka Adduunka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee Haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoyska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka dowladda kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Maanta oo kale waxaa caalamka intiisa badan laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo loo asteeyey maanta oo kale 8 Maarso.