Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu xeebta Gaza ka dhisi doono marin ku meel gaar ah si sahayda gargaarka biniΓ’β¬β’aadanimo loogu oggolaato in ay si nabad ah u gaaraan dadkaΓΒ rayidka ah ee reer Gaza.
Biden ayaa sheegay in IsraaΓ’β¬β’iil ay qasab ku tahay inay u ogolaato Gaza in la gaarsiiyo gargaar dheeraad ah ,isagoo intaa raaciyay in la hubiyo badqabka shaqaalaha heyΓ’β¬β’adaha oo aan lagu qaban ama lagu sameyn faragalin ama dagaal.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale Tel Aviv u sheegay in mudnaanta la siiyo ilaalinta iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee aan wax galabsan .
Dhinaca kale,wafdi ka socda Xamaas ayaa ka dhoofay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ,iyadoo sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in IsraaΓ’β¬β’iil ay fashilisay dhammaan isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu doonaayay in heshiis la gaaro.
Ugu yaraan 30,800 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 72,198 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada IsraaΓ’β¬β’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7,halka tirada dhimashada IsraaΓ’β¬β’iil ee weerarradii XamaasΓΒ ay gaareyso 1,139.