Xiisad Xooggan ayaa waxay ka dhex aloosan tahay Dowladda Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ku xayireen xuduudka gawaari u kireysan WFP oo cunto gargaar ah u waday Dadka ku dhibaataysan K/galbeed ee Somalia.
Afhayeenad-gobaleedka WFP u joogta magaalladda Nairobi, Challiss McDonoughoo la hadashay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii loo xalin lahaa waxa ay ugu yeertay “Nasiib-xumidda Is-faham la’aanta†ka dhalatay Gaadiidka WFP ee lagu xayiray Xuduudka, loona diiday inay u gudbaan Xuduudka Somalia.
“Saddex Gaari ee Qandaraaska WFP haysta ayaa lagu joojiyey Mandera iyagoo watay dhamaan Waraaqihii ka yimid Dowladda Kenya ee Gaadiidkaasi lagu fasaxay inay u gudbaan Somalia†ayey tiri Afhayeenadda, oo intaasi ku dartay inay Hay’addu ilaalayn ku hayso sidii Shixnadaha Raashinka loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.
Waxay tilmaamtay inaysan Gaadiidkaasi u soconin Deegaanadda Alshabaab ay maamulaan, waxayna hoosta ka xariiqday inay Alshabaab sannadkii 2010-kii ka mamuuceen Hay’adda WFP inay ka hawlgasho Deegaanadda ay Alshabaab ka maamulaan Somalia.
Hadalkeeda ayaa u muuqday inuu jawaab-celin u yahay Wareysi Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Ambassador Maxamuud Cali Saalax siiyey Wakaalladda Wararka ee REUTERS, taasi oo uu ku sheegay inay xayireen 3 gaari oo u rarnaa WFP, kadib, markii ay ka shakiyeen in Gargaarkaasi loo gudbiyo Alshabaabka ku sugan Degmadda Dolow-Somalia.
Waxa uu sheegay inay Xaqiijin ka sugayeen Hay’adda WFP Somalia, si aysan Cuntada gargaarka ugu dhicin Gacmaha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Mas’uulkaasi waxa uu ku dooday in ay heleen Xog ku aadan in Xamuulkii hore ee ay Gaadiidka la xayiray ka gudbiyeen Xuduudka Somalia inay qaateen Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Xayiraadda ay Maamulka W/bari Kenya ku hor-joogsadeen Gaadiidka u raran Hay’adda WFP ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay Kumanaan Kun oo Soomaali ah ku macluulsan yihiin Gobalka Gedo, gaar ahaan Dadkii ka barakacay Deegaanka Ceel-cadde oo ay Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dagaalameen bartamihii bishii hore ee Janaayo.
©Radio Dalsan    Â