Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saxiibada caalamka ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsann Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalka ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen deegaanadaas Howlgalka laga fuliyay, waxaana sida la tilmaamay howlgalka khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalyahano kamid ah Al-Shabaab oo halkaasi joogay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya Qoraal ay soo saartay ku sheegtay in deegaannada howlgalka ka dhacay lagu burburiyay saldhigyo ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana waxaa la wareegay ciidanka kumaandooska dowladda.
“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad†ayaa lagu yiri Warka
Si kastaba, Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgalo culus oo iska kaashanayaan ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.