Koox hubeysan oo watay Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku dileen mid kamid ah ganacsatada magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil.
Dilkaan loo geystay ganacsadaha ayaa ka dhacay dukaankiisa oo ku yaalla halka loo yaqaano jiira Cabdullaahi Yuusuf, waxaana uu u geeriyooday marxuumka rasaas ay dableyda uga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kooxda falka geysatay oo wadatay gaari ay marka hore isku dayeen inay afduubtan ganacsade Axmed Tahliil, balse ay toogasho ku dileen, kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday.
Si kastaba, magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi kala maamuladan Puntland iyo Galmudug ayaa waxa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badayay dilalka qorsheysan iyo weerarada,