Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale inta uu socday kulan dhexmaray Madaxweyne Museveni iyo Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa looga arrinsaday taageerada dhanka Howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Al-Shabaab.
Madaxweynaha Uganda ayaa Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya u balanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah, iyo in Soomaaliya garab milateri ay siin doonaan si dalka Soomaaliya looga saaro Shabaabka.