Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS mudane Salah Jama, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirka Dastuurka mudane Xasan Macallin ayaa caasmidda Muqdisho ku daahfuray kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinaca Dowlad dhiska.
Shirkan labada maalin uu socdo, madaxda kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa lagu wadaa in ay ka hadlaan geedi socodka dowlad dhiska, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka.