Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed ee isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaas oo u taagan Faafinta Diinta Islaamka, iyadoo uu kulankan goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi.
Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga. Iyagoona munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo.
Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka iyo marti sharaf kale.