Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa wacad ku maray inuu aarsan doono isagoo sheegay ‘inay ka jawaabi doonaan weerarkaasi’.
Mr Biden ayaa weerarkaas ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowladda Iran ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq.
Ha yeeshee Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrarkasi.
Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala gobolka, tan iyo 7-dii bishii Oktoobar, oo Xamaas ay weerrar ku qaadday Israa’iil.