Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo uu uga qeybgalayo
Caleema-saarka Madaxweynaha La doortay ee Dowlad Goboleeedka Puntland.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay ee  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa markale u hambalyeeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha maamulka Puntland.