Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee qeyb kamid ah badda Soomaaliya heshiiska loogala gaaray Itoobiya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.
Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika midowga Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.
Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah,Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.