Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo shalay oo jimco aheyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib loo dhigay tartanka xiisaha badan ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana hakadka ku yimid lagu wargeliyay maamulada iyo kan Gobolka.
“Waxaan si xushmad leh idin kaaga mahadcelineynaa ka qeybgalka tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya guud ahaan,hadaba waxaan idinku wargalineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo labo maalmood ah†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa intaas lagu sii daray Qoraalka “Waxaa la ciyaari doonaa 1-daa January 2024 waxaan la idinla soo wadaagi doona jawdalka ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023, Sidaasi darteed waxaan ku rajaweynahay in sidii aan horay idinkaaga baranay aad ugu soo diyaar garoobi doontaanâ€
Kulan ciyaareedkii koowaad ee shalay la ciyaaray ayaa waxaa lagu daah-furay kooxo kala matalayay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ciyaarta ay kusoo dhammaatay barbar dhac 1-1.