Hay’adda dalka Britain ugu qaabilsan La-socodka Howlgallada Maraakiibta Ganacsiga (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay inay dabley aad u hubeysan qafaasheen Dooni Ganacsi oo maraysay meel ka baxsan Xeebaha Somalia, una dhow magaalladda Eyl ee Bariga Somalia.
Hay’adda UKMTO ayaa waxay sheegtay inay Xogtan ka heleen Ilo Milliteri, balse, Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Doonida la qafaashay.
Baaritaano ayaa socda oo ku aadan dhacdadaasi, lamana oga tirada Badmaaxiinta la socotay doonidaasi, Shixnadaha ku raran, Dekedda ay ka soo shiraacatay iyo Marsada ay ku wajahnayd.
Bishan December 14-dii ayey ahayd markii ay Kooxo Hubaysan ay Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Bulgaria ka qafaasheeen meel ku dhow Jesiiradda Socotra ee Yemen oo qiyaastii 150 miles ka baxsan Xeebta Somalia.
Markabkaasi oo lagu magacaabo MV RUEN waxaa la socda 18 Badmaaxiin, oo mid ka mid ah oo xanuunsaday lagu wareejiyey Markab Dagaal oo ka mid ah Maraakiibta dalka Hindiya ee gaaf-wareega Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Badda Cas.
Wakaallada Wararka dalka Bulgaria ee BTA waxay ka soo xigatay Wasiirka Gaadiidka dalkaasi, (The Bulgarian Transport Minister) Georgi Gvozdeikov inay Burcad-baddeed Soomaali ah qafaasheen Markabka MV RUEN, maadaama Markabka haatan lagu haysto Xeebaha Somalia.