Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee loo yaqaano drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa Maanta laga fuliyay Koonfurta Soomaaliya.
Howlgalka oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan Shabaab, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka, laguna baahiyay Warbaahinta dowladda.
Waxaa la sheegay in howlgalka qorsheysan oo si gaar ah uga dhacay Gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya lagu beegsaday sarkaalka oo la tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an la-dagaalanka saraakiisha iyo dagaalyahanada Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon†ayaa lagu yiri War dowladda soo saartay.
Laguma sheegin warka khasaaraha ka dhashay howlgalkaas ka dhacay  Gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya iyo in la dilay iyo in kale sarkaalka la weeraray.