Ciidamada ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane la sheegay in dhawaaan uu dil ka gaystay Gudaha Magaaladaasi, kadibna baxsaday.
Hawlgallo ay sameeyeen Ciidamada Amniga ayaa waxaa ku suurtagashay in  gacanta lagu soo dhigo shakhsiga ku eedeysan dilka Rabbi ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada ganacsata ah ee Degmada Guriceel.
C/salaam Cali Axmed oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Marxuumka ayaa waxaa qabashadiisa warbaahinta  u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin, kaasi oo sheegay inay gacanta kusoo dhigeen caddaaladdana la horgayn doono.
“Guriceel inta aan joogno hada kadib, insha Allaah wixii ka dhaca oo dhibaato ah, waxaan balanqaadeynaa in ay ku dhammaan doonaan gacanta Cadaaladda, midaan gacan ku dhiiglahaana, wixii uu geystay ayaa laga gudi doonaa †ayuu yiri Gudoomiyaha D/Guriceel Faarax Cabdi Macalin.
Dhawaan ayay ahayd Markii Magaalada lagu dilay Alle ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada ganacsata ah ee Degmada, sidoo kalena ahaa walaaka Taliyaha Booliska Magaalada Guriceel.