Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka ayaa saacadihii lasoo dhafay waxaa ka da’ay roobab lixaad leh, oo saameeyay bulshada danyarta ah eek u nool Magaalada iyo guud ahaan isku socodka guud.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Magaalada ayaa waxaa ay mujiinayaan burbur iyo biyo aad tira badan oo magaalada ka muuqda.
Roobabka ayaa da’ayay xalay ilaa saaka, waxaana saameyn ay ku yeesheen dadka degaanka, gaar ahaan bulshada danyarta ah oo aan haysan gabbaad ay ka galaan roobabka aan kala joogsiga lahayn ee ka da’aya Magaalada.
Sidoo kale waxaa laga dayrinayaa Meelaha boholaha ah ee ay biyuhu galeen oo lasoo sheegayo in khataro waa weyn ay ka imaan karaan.
Inkastoon tiro dhabta ah ee khasaaraha roobabka ka dhashay aan la xaqiijin, haddana waxaa lagu soo waramayaa in lix ruux oo ay carruur ku jiraan ay ku dhinteen daadadka iyo biyaha ku soo rogmaday xeryaha iyo guudahaan magaalada.
Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho, burbur iyo barakac.