Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin Eedeymaha ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ku sheegeen inay Diyaaradaha Kenya duqeyn la beegsadaan dadka rayidka ee ku nool Deegaanadda ay Alshabaab ka hawlgalaan ee Gobalka Gedo.
Afhayeenka waxa uu isweydiiyey in dadka ay duqeeyeen Ciiddankiisa yihiin dad rayid ah, wuxuuna ku dooday inay Ciiddanka Kenya u yimaadeen Somalia si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay beegsadaan Alshabaabka Isbahaysiga la ah Ururka Alqaacida ee sheegay inay 100 Askar Kenyan ah ku dileen weerarkii ay bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Dhinaca kale, Kolonel David Obonya waxa uu ka hadlay Masiirka Askarta Kenya ee ka hawlgala Somalia, wuxuuna beeniyey War lagu qoray Twitterka Telefishinka Aljazeera oo lagu xusay inay Ciiddanka Kenyan ka baxayaan Degmooyin ku yaalla Koonfurta Somalia, si ay difaac uga dhigtaan Degmooyinka ku teedsan Xuduudka.
Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Kenya sii wadayaan inay ka sii mid noqdaan Hawlgalka AMISOM, isla markaana aysan jirin wax qorshe ay oo Ciiddanka Kenya looga saarayo qaar ka mid ah Degmooyinka ku yaalla Koonfurta Somalia.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo Dowladda Kenya sheegeen inaysan Ciiddanka AMISOM wax gurmad ah ka helin markii ay Alshabaab weerareen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Ceel-cadde.
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Difaaca ee Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay go’aan ka gaari doonaan inay Ciiddankooda si madax bannaan uga hawlgalaan Somalia, iyagoo aan hoos tegi doonin Taliska Hawlgalka AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Alshabaab ee Ceel-cadde ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa khasaarihii ugu ballaarnaa ee Askarta Kenya soo gaaray tan iyo markii ay Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
©Radio Dalsan