Allaha u naxariisto Cabdi Xaaji Goob-Doon. Waxa uu ahaa rug caddaa saxaafadeed, waxaana la odhan karaa waa wariyihii ugu horeeya ee Soomaali ah ee isaga oo ku shaqeynaya xirfadda warbaahinta ka hadla idaacad.
Bilowgii Suxufinimadiisa, ma jirin qoraal uu lahaa afkeena, waxaana saasdaraadeed uu Goob-Doon ka mid ahaa suxufiyiin fara ku tiris ahaa oo xiligaas luuqad qalaad wax ku qori jiray, si toos ahna ugu bedeli jira Soomaali, iyada oo laga dhageysanayo idaacadda. Waxa uu ahaa afyahan, aad u cod macaanaa waqtigiisii, ayna u sahlaneed sameynta iyo tabinta wararka.
Hal abuurkiisa ayaa kamid ah waxybaaha lagu xasuudan doono Goob-Doon, oo waxa uu isaguba ii sheegay in ay maskaxda dhalaalin jireen, si ay u curiyaan sheekooyin wax ku ool ah oo soojiita dhageystayaasha. Sida uu ii sheegay walaalkii, Abuukar Xaaji Goob-Doon, oo isaguna ah suxufi hadda u ah tifaftire Radio Muqdisho, waxa uu Goobdoon markii ugu horeysay ka shaqeeyay idaacad la yiraa Radio Moscow, oo Afka-Ruushka ku hadashay, halkaas oo uu kala yimid wariyanimada daba-yaaqadii 1960-aadkii, waxaana horaantii 1970-aadkii uu noqday Goobdoon suxufi dalkiisa ka dhex shaqeeya.
Nasiib uma yeelan inaan waqtigiisa ka maqlo idaacaddii kaligayd ku ahayd dalka wixii ka horeeyay Sagaashamaadkii ee Radio Muqdisho, balse waxaan fursad u helay inaan dib u dhageysto sheeko uu sameeyay, oo ku saabsaneed banaanbax ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayay in laga dul qaaday dadka Reer Jabuuti Gumeystihii Faransiiska. Xiligaas, oo ku beegneed 1970-aadkii, waxaa isoo jiitay sida Allaha u naxariistee uu Goob-Doon u sawirayay goobta banaanbaxa, dareenka iyo weeraha dadkii ka qeybgalayay dibad-baxaas.
Dadkii la shaqeeyay waqtigiisii waxa ay qaar ka mid ahaa ii sheegeen inuu lahaa sababta in ay shaqsiyaad fara badan oo hadda can ku ah wariyanimo ay soo galaan saaxada saxaafadda. Waxaa ka mid rag odayaal ah oo qaarkood u shaqeeya ama u shaqeeyay BBC-da.
Goob-Doon waxaa intii uu noolaa marar badan oo aan wada sheekeysanay uu ii sheegay inuu kaalin mug leh ku lahaa qorista Afkeena, waxaana inoo suuragashay buu igu yiri inaan ku nasano qorista iyo aqrinta ama wax kusoo jeedinta luuqad aan leenahay oo aan ku raaxeysan karno wax ku tabinteeda.
Maruu iiga sheekeeynayay juhdiga iyo waqtiga ay gelin jireen sameynta eray-bixinada iyo farqiga u dhaxeeya iska xil-saarista arrintaas suxufiga waqtigan ayuu ii sheegay innuu jecel yahay in ay warbaahinta dalku u hormarto si xaawaaro badan, oo ay suxufiyiinta da’da yarna ishormariyaan. Waxa uu ahaa suxufi jecel caawinta dadka kale.
Aad buu u xushmad badnaa, una jeclaa inuu ilaaliyo dareenka dadka kale. Hadal qabow, soojiidasho badan, naxariis iyo waxaa lagu yiqiinay la wadaagidda qof kasta waaya-aragnimadda xirfadihiisa. Sida aan ka arkay, kuna bartay, dad bandanna ay iila wadaageen, Allaha u naxariistee Goob-Doon waxa uu ahaa Suxufi ay xaaraam ka ahayd islaweyni.
Waxa uu si furan wax ula wadaagi jiray wariye kasta, meel buu la fadhiisan jirin, kula shaahi jiray, oo teer iyo bilowgiisii suxufinimada marna kama dhex bixin suxufiyiinta.
Waxaa loo arkaa inuu yahay qof kaalin mug leh ka qaatay hormarinta warbaahinta dalka, oo waxa uu Allaha u naxariistee ka mid ahaa qof looga daydo xirfadyahanimadiisa Warbaahinta.
Maahayn oo kaliya Saxafi ee waxaa uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dowladdihii dalka soo maray ilaa iyo 1960-aadkii.
Waa wariyihihii ugu horeeyay ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, si gaara wararkiisa u tabin jiray, markii dambana waxa uu ahaa afhayeen.
Waxa uu agaasime guud kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta ee waqtigaas, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalahana waxa uu 1980-aadkii dabayaaqadeedii ka ahaa Xoghaye joogto ah, iyada uu burburkii ku dhacay markii loo magacaabay agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Intii uu wadanku burbursanaa waxa uu sii ahaa wariye, waxaana durbadiiba la helay dowladdii ugu horeysay oo KMG ahayd uu la shaqo bilaabay xukumadeedii, ilaa iyo hadda oo geeridiisa lasoo gaaray oo uu ahaa shaqsi mug weyn ku lahaa Wasaaradda Warfaafinta Xukumaddan.
Goob-Doon, marka uu ka hadlayo fagaarayaasha iyo meelaha ay dadkun isugu yimaadaan aad baa loo dhageystaa, oo waa loo dhego raariciyaa, xikmaddiisa iyo waaya usoo joogiisa darted, maadaama uu ahaa qoraa xog badan hayay. Allaha u naxariisto Cabdi-Xaaji Goob-Doon.
Halkan ka dhageyso Warbixinta Nuur Cali Faarax:-