Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maata magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.
“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere†ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha “waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.â€
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium waxa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa qaar kamid ah Madaxda ka qeyb gashay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.