Nurit Cooper oo 79 jir ah iyo Yocheved Lifshitz,oo 85 jir ah kana mid ahaa maxaabiista ay gacanta ku hayso Xamaas ayaa la sii daayay waxayna gaareen magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Xamaas ayaa siideynta haweenkaan da’da ah ku sababaysay bini-aadanimo iyo arrimo caafimaad dartood.
Israa’iil ayaa Masar iyo hay’adda Bisha Cas uga mahadcelisay qaybta ay ka qaateen wadahadalka lagu sii daayay labadaan dumarka ah.
Raggii qabay haweenkaan waayeelka ah oo iyaguna, da’ ah ayaa wali gacanta ugu jira Xamaas kuwaas oo lagu hayo Qasa sida ay sheegen saraakiisha Israa’iil.