Maxkamadda ciidamada Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ee ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Booliska ee Maamulkaasi, kuwaasi oo horey dilal u geystay.
Fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa lagu toogtay saddex Askari oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga.
Sidoo kale xukunka dilka toogashada ayaa isna lagu fuliyay Cabdullaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Booliska Koonfur Galbeed ka tirsan, kadib markii Askartan dhammaantood ay hore Maxkamadda ciidamada ay xukun dil toogasho ah ku riday.
Labada Askari hore ayaa Beerta Qurun Jiis oo DegaanDug Baydhabo ku taal ku dhex Dilay marxuum lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.
Cabdullaahi ayaa isna lagu helay inuu Dilay Isgoowe Maxmed Aadan June sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa Farmashiiste isku diyaarinayay Guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.