Wasirka wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Abduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska maamulka  Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Si-wadajir ah u shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID iyo Taliyasha Rugaha Booliska Baydhabo
Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab loogu xoreynayo Gobollada Baay, Bokool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.