Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Sheekh ee Somaliland, waxaana ka dhashay sida wararku tilmaamayaan dhimasho iyo dhaawac.
Shilka oo ka dhacay duleedka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa waxaa wararku ay tilmaamayaan in ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga shilka galay.
Dhalinyarada Shilkaasi ku geeriyootay ayaa ahaa Howlwadeennada Waqal Studio oo fadhigiisu yahay Hargeysa, waxaana lagu kala magacaabi jiray Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir.
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay, waxaana sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ay tilmaamayaan Gaariga ay wateen dhalinyarada geeriyootay oo si daran u gubtay.
Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir ayaa ahaa dhalinyaro aad u firfircoon, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Baraha bulshada hareeyay tacsida dhalinyaradaasi.
Degaanada Somaliland ayaa waxaa ku b adan shilalka noocaas oo kale ah, waxaana tiro dhawr jeer ah dhacay shillala gallaaftay nolosha dad shacab ah.