Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta ayaa maanta sixiixay saddex xeer oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyay in Madaxweynaha uu saxiixay saddexdaan xeer oo kala ah.
1- Xeerka Hay’ada Waddooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
2- Xeerka Sharciga kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kaluumeysiga dhaqaalaha Buluugga ah.
3- Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda ayaa dhawaan meel mariyay xeerarka uu maanta Madaxweynahu sixiixay sidaas ayayna dhaqan gal ku noqon doonaan.