War goordhow naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu daqiiqo kahor ka dhacay qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana qaraxa kadib xigtay rasaas tiro badan oo isku daba-dhacday, sida ay kusoo warramayaan qaar kamid ah dad ku sugan bartamaha magaalada oo Dalsan la hadlay.
Uuro madow ayaa cirka isku shareertay, ciidamo farabadan ayaa durbadii isku gadaamay aaga uu qaraxu Is-miidaaminta ahaa ka dhacay. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa kusii qul-qulaya goobta qaraxa.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
La soco wixii kusoo kordha Insha-AllaahÂ