Laamaha ammaanka ayaa Magaalada kismaayo kusoo qabtay walxaha qarxa, oo lagu soo qabtay howgallo Miina Baaris ah, oo ay Ciidanku sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay agabka Qaraxyada, waxaana lagu soo qabtay howlgallo qorsheysan.
Ciidanka ayaa soo bandhigay Walxaha Qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay kasoo saareen waddooyinka magaalada iyo meelo gaar ah oo bulshadu isugu timaaddo.
Ciidamada ayaa u mahadceliyay shacabka reer Jubbaland ee sida joogtada ah ugu soo wargeliya xogta ku aaddan walxahaasi qarxa ee lagu aasay qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Jubbaland.
Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katitsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaas oo kale ah.