Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka amniga deegaanada xuduudka ku yaala ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan deegaanada xuduudka ayaa laga dhageystay warbixino la xiriira amniga, iyagoona laga dalbaday inay sare usii qaadan howlaha lagu xoojinayo nabad galyada.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha golaha wasiirada ee kamidka ah wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ee howlaha shaqo u jooga gobolka, sarakiisha Ciidamada kala duwan iyo maamulka degmada Beledxaawo.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, Dhinacyadii isku maandhaafsanaa siyaasadda Gedo ee Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay khilaafkii dhexdooda yaallay ay heshiis ka gaareen.