Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulan aan caadi aheyn waxa uu haatan uga furmay Xarunta ay ku shaqeeyaan ee magaalada Garoowe, kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay furista dastuurka Puntland, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ay guda galeen ka doodista wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax ka beddelka dastuurka, inkastoo aan weli laga heshiin khilaafka ka taagan arrintaas ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne iyo mucaaradka.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Garoowe ka socday waan-waanta ay wadeen Isimada dhaqanka oo doonayo in lagu xallinayo khilaafka Maamulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Dhinaca kale xaaladda Garoowe ayaa kala deggen, ka dib waan-waan ay tan iyo xalay wadeen isimmada dhaqanka, si ka duwan labaatankii bishii hore oo furista dastuurka dagaal ka dhashay.