Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta wada dhageysiga mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka gaar ahaan qeybta Canshuuraha bariga, kuwaasi oo loo heysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.
Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhawaan dacwad kusoo oogtay saraakiishan ka tirsan Wasaaradda maaliyadda, iyagoona kamid ahaa 18 eedeysane oo loo heysto musqu-maasuq iyo xoolo dadweyne.
Guddoonka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa haatan dhageysaneysa dacwadda mas’uuliyiinta, waxaana fadhiga Maxkamadda goobjoog ka ah oo ku sugan qareeno u doodaya eedeysanayaasha oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Muqdisho
Dhawwaan ayaa sidan oo kale Maxkamadda gobolka Banaadir iyana loo soo taagay agaasimayaal katirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, kuwaa oo iyana loo heesto musuq maasauq.
Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya oo iyana ku eedeysan musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne ayaa baxsad ku ah dalka dibadiisa, lamana oga sida dowladda Soomaaliya ugu fududaan doonto soo qabashada ragaasi.