Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada Waajibaadka Xajka.
Ra’iisul Wasaaraha  ayaa ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, waxaana Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa Warfaafinta lagu yiri “intii uu ku sugnaa Xajka waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimoâ€
Sidoo kale Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.