War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu shaaciyay in Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ahaa xisbiga Nabad iyo Nolol uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo xisbiga.
Cabdirashiid Xaashi oo Warkaan soo saaray ayaa sheegay in Cali Yare oo mar soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir uu doortay inuu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.
“Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol†ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Nabad iyo Nolol.
Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa siweyn baraha Bulshada ugu taageeri jiray xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore Soomaaliya, wuxuuna Cali Yare kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhow Farmaajo.